Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa sheegay in arrin sax ah aanay aheyn in dad gaar ah hubka laga qaado, naftoodana halis la geliyo, iyadoo Al-Shabaab ay wali hubeysan yihiin.
Axmed Daaci ayaa sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo in Al-Shabaab hubka ka dhigto, isagoo xusay in hadii dadka heysta qorigii ay amnigooda ku sugayeen laga qaado si kale loo fasiranayo.
“Waxaa ognahay in dowladda aysan laheyn xeryo hubka lagu uruuriyo, ninka qoriga amnigiis ku sugaya hadii inta gurigisa isagoo u socda wadada loo galo, qorigana laga qaado, Shabaabna uu jidka u joogo oo uu dilayo, arrintaas sax ma ahan”ayuu yiri Axmed Daaci.
Axmed Daaci ayaa sheegay in Gobolka Banaadir kaliya ay ka jirto, in qof qori heysta oo amnigiisa ku sugaya in laga qaado, balse aanay gobolada kale la qabin.
You can trust on the results of programs or viagra for sale mastercard “constructs” that we have created. The key for NJ Physical Therapy is position the patient in the best athletic shape they have been prior to the viagra online österreich injury. Some of the side effects which amerikabulteni.com canadian cialis no prescription are generally caused by poor blood flow to the penis causes potency problems. Maca has also been proven to provide benefits very quickly. cheap viagra Recommended page “Gobolka Banaadir kaliya ayay arrintan ka jirtaa, gobolada kale nalama qabaan, sax ma ahan, in qori meel laga qaado, qoriga shabaabka uu yaalo, hadii arrintan tahay shaqo ogaal darro ku timid iyo arrin ujeedo gaar ah laga leeyahay aniga ma sheegi karo”ayuu yiri Axmed Daaci.
“Waxaa ka codsanayaa dowladda in la qabto qoriga tuuga wato iyo kan shabaab wato, laakiin midkii amniga lagu sugayay hadii la qabto sow ma ahan in siyaasiyiinti iyo dad kale naftooda halis la gelinayo, laakiin hadii hubka yahay sharci darro ayaa la rabaa in la qabto, balse hub sharci ah in la qaado sax ma ahan”
Golaha Wasiirada ayaa dhowaan soo saaray go’aano lagu sugayo amniga Muqdisho, kaasoo ay ka mid tahay in aan la ogoleyn in Afar AK47 wax ka badan aan lagu ilaalin karin gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta iyo in cidii lagu arko hubka waa weyn laga qaadi doono.
Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay hub ka dhigis ku sameeyay mas’uuliyiin iyo dad kale oo Muqdisho ku watay hubka waa weyn.






Marxuum Sh. Cabdulaahi Sh. Maxamed Rooble wuxuu ku dhashay tuulada Kooraar ee degmada Bardaale 1933. 

Wixii Faah Faahin ah Halkan la Xiriir